Kitaabka Quduuska Ah

Sabuurradii 119:168-176 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

168. Waxaan dhawray amarradaada iyo markhaatifurkaaga, Waayo, jidadkayga oo dhammu hortaaday wada yaalliin.

169. Rabbiyow, qayladaydu ha ku soo dhowaato hortaada, Oo waxgarasho ii sii si eraygaaga waafaqsan.

170. Baryootankaygu hortaada ha yimaado, Oo ii samatabbixi si eraygaaga waafaqsan.

171. Bushimahaygu ammaan ha ku hadleen, Waayo, waxaad i bartaa qaynuunnadaada.

172. Carrabkaygu ha ku gabyo eraygaaga, Waayo, amarradaada oo dhammu waa wada xaqnimo.

173. Gacantaadu diyaar ha u ahaato inay i caawiso, Waayo, amarradaadaan doortay.

174. Rabbiyow, badbaadintaada, waan u xiisooday, Oo sharcigaaguna waa waxa iga farxiya.

175. Naftaydu ha iska noolaato, wayna ku ammaani doontaa, Oo xukummadaaduna ha i caawiyaan.

176. Waxaan u hallaabay sidii lax luntay, haddaba anigoo addoonkaaga ah i doondoon, Waayo, amarradaada ma aan illoobo.