Kitaabka Quduuska Ah

Sabuurradii 119:162-174 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

162. Waxaan eraygaaga ugu reyreeyaa Sidii mid booli badan helay.

163. Beenta waan necbahay oo waan karahsaday, Laakiinse sharcigaaga waan jeclahay.

164. Maalintiiba toddoba jeer baan ku ammaanaa, Waana xukummadaada xaqa ah daraaddood.

165. Kuwa sharcigaaga jecelu waxay haystaan nabad weyn, Oo wax iyaga turuntureeyaa ma jiraan.

166. Rabbiyow, badbaadintaada waan u xiisooday, Oo amarradaadiina waan oofiyey.

167. Naftaydu waxay dhawrtay markhaatifurkaaga, Oo anna aad iyo aad baan u jeclahay.

168. Waxaan dhawray amarradaada iyo markhaatifurkaaga, Waayo, jidadkayga oo dhammu hortaaday wada yaalliin.

169. Rabbiyow, qayladaydu ha ku soo dhowaato hortaada, Oo waxgarasho ii sii si eraygaaga waafaqsan.

170. Baryootankaygu hortaada ha yimaado, Oo ii samatabbixi si eraygaaga waafaqsan.

171. Bushimahaygu ammaan ha ku hadleen, Waayo, waxaad i bartaa qaynuunnadaada.

172. Carrabkaygu ha ku gabyo eraygaaga, Waayo, amarradaada oo dhammu waa wada xaqnimo.

173. Gacantaadu diyaar ha u ahaato inay i caawiso, Waayo, amarradaadaan doortay.

174. Rabbiyow, badbaadintaada, waan u xiisooday, Oo sharcigaaguna waa waxa iga farxiya.