Kitaabka Quduuska Ah

Sabuurradii 119:150-153 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

150. Kuwii xumaatada raaci jiray way soo dhowaanayaan, Iyagu sharcigaaga way ka fog yihiin.

151. Rabbiyow, adigu waad dhow dahay, Oo amarradaada oo dhammuna waa wada run.

152. Waxaan markhaatifurkaaga waa hore ka iqiin Inaad u aasaastay si ay weligood u sii waaraan.

153. Dhibaatadayda ka fiirso oo i samatabbixi, Waayo, anigu sharcigaaga ma illoobo.