Kitaabka Quduuska Ah

Sabuurradii 119:141-146 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

141. Anigu waan yarahay, oo waa lay quudhsadaa, Laakiinse amarradaada ma illoobo.

142. Xaqnimadaadu waa xaqnimo weligeed sii waaraysa, Oo sharcigaaguna waa run.

143. Dhib iyo cidhiidhi baa i qabsaday. Laakiinse amarradaadu waa waxa iga farxiya.

144. Markhaatifurkaagu weligiisba waa xaq, Haddaba waxgarasho i sii, oo anna waan sii noolaan doonaa.

145. Waxaan ku qayshaday qalbigayga oo dhan, haddaba Rabbiyow, ii jawaab, Oo anna waxaan xajin doonaa qaynuunnadaada.

146. Waan kuu qayshaday ee i badbaadi, Oo markhaatifurkaaga waan dhawri doonaa.