Kitaabka Quduuska Ah

Sabuurradii 119:136-140 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

136. Indhahayga waxaa ka shubma durdurro biyo ah, Maxaa yeelay, sharcigaaga lama dhawrin.

137. Rabbiyow, xaq baad tahay, Oo xukummadaaduna waa qumman yihiin.

138. Markhaatifurkaaga waxaad ku amartay xaqnimo Iyo daacadnimo oo dhan.

139. Waxaa i baabba'shay qiirada aan kuu qabo, Maxaa yeelay, cadaawayaashaydu waxay illoobeen erayadaada.

140. Eraygaagu aad buu u daahirsan yahay, Sidaas daraaddeed anoo addoonkaaga ah waan jeclahay.