Kitaabka Quduuska Ah

Sabuurradii 109:8-16 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

8. Cimrigiisu ha yaraado, Jagadiisana mid kale ha qaato.

9. Carruurtiisu ha agoontoobeen, Naagtiisuna carmal ha noqoto.

10. Carruurtiisu kuwa warwareega ha noqdeen oo ha dawarsadeen, Cuntadoodana ha ka doondooneen meelahooda cidlada ah.

11. Midka korsaarta qaataa ha qabsado wuxuu haysto oo dhan, Oo shisheeyayaalna ha ka dheceen wixii uu ku hawshooday.

12. Yaanu jirin mid isaga u sii naxariistaa, Oo yaanu jirin mid u naxa carruurtiisa agoonta ah.

13. Farcankiisu ha baabba'o, Oo qarniga soo socda magacooda ha la tirtiro.

14. Xumaantii awowayaashiis Rabbigu ha soo xusuusto, Oo dembigii hooyadiisna yaan la tirtirin.

15. Rabbiga ha hor joogeen had iyo goorba, Si uu xusuustooda uga gooyo dhulka.

16. Maxaa yeelay, isagu wuu xusuusan waayay inuu u naxariisto Miskiinka, iyo kan baahan, iyo kan qalbiga ka murugaysan, Laakiinse wuxuu u silciyey inuu iyaga laayo aawadeed.