Kitaabka Quduuska Ah

Sabuurradii 109:1-13 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Ilaaha ammaantaydow, ha iska aamusin,

2. Waayo, waxay igu kala qaadeen afka kan sharka leh iyo kan khiyaanada lehba, Oo waxay igula hadleen carrab been sheega.

3. Oo weliba waxay igu hareereeyeen erayo nacayb badan, Oo sababla'aan bay igula dirireen.

4. Anigoo jecel bay cadow ii yihiin, Laakiinse anigu Ilaah baan baryaa.

5. Wanaag waxay iigaga abaalgudeen xumaan, Jacaylna nacayb.

6. Nin shar leh ka sarraysii isaga, Oo Shayddaan ha istaago midigtiisa.

7. Markii la xukumo, ha soo baxo isagoo dembi lagu helay, Oo tukashadiisiina dembi ha noqoto.

8. Cimrigiisu ha yaraado, Jagadiisana mid kale ha qaato.

9. Carruurtiisu ha agoontoobeen, Naagtiisuna carmal ha noqoto.

10. Carruurtiisu kuwa warwareega ha noqdeen oo ha dawarsadeen, Cuntadoodana ha ka doondooneen meelahooda cidlada ah.

11. Midka korsaarta qaataa ha qabsado wuxuu haysto oo dhan, Oo shisheeyayaalna ha ka dheceen wixii uu ku hawshooday.

12. Yaanu jirin mid isaga u sii naxariistaa, Oo yaanu jirin mid u naxa carruurtiisa agoonta ah.

13. Farcankiisu ha baabba'o, Oo qarniga soo socda magacooda ha la tirtiro.