Kitaabka Quduuska Ah

Sabuurradii 106:39-42 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

39. Haddaba sidaasay shuqulladoodii ugu nijaasoobeen, Oo falimahoodii ayay ku caasiyoobeen sidii dhillo oo kale.

40. Sidaas daraaddeed ayaa Rabbigu dadkiisii aad ugu cadhooday, Oo isna wuxuu karhay dadkii dhaxalkiisii ahaa.

41. Oo wuxuu iyagii u gacangeliyey quruumaha, Oo kuwii iyaga necbaa ayaa u taliyey.

42. Oo weliba cadaawayaashoodii ayaa dulmay, Oo iyagoo gacantooda ka hooseeya ayay addoonsadeen.