Kitaabka Quduuska Ah

Sabuurradii 104:16-25 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

16. Rabbiga dhirtiisu waa dheregsan tahay, Kuwaas oo ah geedaha kedar la yidhaahdo oo Lubnaan oo uu isagu beeray,

17. Kuwaas oo ah meesha shimbirruhu buulkooda ay ka samaystaan, Xuurtuna gurigeeda waxay ka kor dhisataa geedaha waaweyn.

18. Buuraha dhaadheer waxaa leh riyaha dibadda, Dhagaxyada waaweynuna waxay gabbaad u yihiin walooyinka.

19. Isagu dayaxa wuxuu u sameeyey xilliyo, Oo qorraxduna dhicitinkeeda way taqaan.

20. Waxaad samaysaa gudcur, oo habeen baa yimaada, Markaasay xayawaanka duurku soo wada baxaan.

21. Libaaxyada aaranka ahu waxay u ciyaan ugaadhsigooda, Cuntadoodana waxay ka sugaan xagga Ilaah.

22. Oo kolkii qorraxdu soo baxdana way noqdaan, Oo waxay iska seexdaan godadkooda.

23. Dadku waa u soo baxaa shuqulkiisa Iyo hawshiisa ilaa tan iyo fiidka.

24. Rabbiyow, shuqulladaadu tiro badanaa! Kulligoodna xigmad baad ku samaysay, Dhulka waxaa ka buuxa hodantinimadaada.

25. Halkoo waxaa ku taal bad weyn oo ballaadhan, Gudaheedana waxaa ku jira waxyaalo gurguurta oo aan la tirin karin, Iyo xayawaan waaweyn iyo kuwo yaryarba.