Kitaabka Quduuska Ah

Sabuurradii 102:2-6 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

2. Wejigaaga ha iga qarin maalinta aan dhibaataysnahay, Dhegta ii dhig, Oo maalinta aan ku baryo, dhaqso iigu soo jawaab.

3. Waayo, maalmahaygu waxay u dhammaadaan sida qiiq oo kale, Oo lafahayguna waxay u gubtaan sida qori ololaya oo kale.

4. Wadnahayga wax baa lagu dhuftay, sida caws oo kalena wuu engegay, Waayo, waan iska illoobaa inaan kibistayda cuno.

5. Codkii taahiddayda daraaddiis Ayaa lafahaygu jidhkayga ku dhegaan.

6. Anigu waxaan la mid ahay haad cantalyaa ah oo cidlada joogta, Oo waxaan la mid noqday haad guumays ah oo lamadegaanka dhex joogta.