Kitaabka Quduuska Ah

Rooma 16:1-15 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Waxaan idin barayaa walaasheen Foybi oo ah mid u adeegta kiniisadda ku taal Kenekhreya,

2. inaad iyada ku dhowaysaan Rabbiga, sida quduusiinta u eg, oo aad ku caawintaan wax kasta oo ay idiinka baahan tahay, waayo, iyaduba kuwa badan bay caawintay iyo xataa aniga qudhayda.

3. Igu salaama Bariska iyo Akula kuwa iila shaqeeya Ciise Masiix,

4. oo noloshayda aawadeed qoortooda u dhibay. Keligay uma mahadnaqayo, laakiinse kiniisadaha dadka aan Yuhuudda ahayn oo dhammuna ay ku mahadnaqayaan.

5. Iguna salaama kiniisadda gurigooda ku jirta. Igu salaama gacaliyahay Ebaynetos, kan ah midhaha ugu horreeya ee Aasiya xagga Masiixa.

6. Maryanna igu salaama, tan aad idiinku dadaashay.

7. Igu salaama Andaronikos iyo Yuniyas oo xigaalkayga ah oo layla xidhay, kuwa caanka ku ah rasuullada dhexdooda, kuwa hortayna Masiixa ku jiray.

8. Ambaliyas, gacaliyahayga xagga Rabbigana igu salaama.

9. Urbanos kan Masiixa noola shaqeeya iyo gacaliyahay Istakhusna igu salaama.

10. Abellees kan Masiixu u bogayna igu salaama. Kuwa reer Aristobulosna igu salaama.

11. Xigaalkay Herodiyosna igu salaama. Iguna salaama kuwa reer Narkisos oo Rabbiga ku jira.

12. Tarufayna iyo Tarufoosa oo Rabbiga u shaqeeyana igu salaama. Gacaliso Bersis oo Rabbiga aad ugu shaqaysayna igu salaama.

13. Igu salaama Rufus kan Rabbigu doortay iyo hooyadiis oo hooyaday oo kale ah.

14. Igu salaama Asunkiritos, iyo Filegoon, iyo Hermees, iyo Batrobas, iyo Hermaas, iyo walaalaha iyaga la jooga.

15. Igu salaama Filologos, iyo Yulya, iyo Neere'us, iyo walaashiis, iyo Olumbas, iyo quduusiinta iyaga la jooga oo dhan.