Kitaabka Quduuska Ah

Rooma 15:11-22 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

11. Oo haddana, Rabbiga ammaana, quruumahoo dhammow, Dadkoo dhammuna ha ammaano isaga.

12. Oo haddana Isayos wuxuu leeyahay, Waxaa jiri doona xididkii Yesay, Iyo kan u kacaya inuu u taliyo quruumaha, Isagayna quruumuhu wax ku rajayn doonaan.

13. Ilaaha rajadu ha idinka buuxiyo farxad iyo nabad oo dhan, idinkoo rumaysan, si rajadiinnu ugu badato xoogga Ruuxa Quduuskaa.

14. Oo aniga qudhayduna waxaan idiin hubaa, walaalahayow, inuu wanaag idinka buuxo, oo laydinka buuxiyey aqoon oo dhan, oo aad kartaan inaad iswaanisaan.

15. Laakiinse siyaalaha qaarkood dhiirranaan badan baan idiinku soo qoray inaan idin xusuusiyo, nimcadii xagga Ilaah layga siiyey aawadeed,

16. inaan dadka aan Yuhuudda ahayn u noqdo midiidinkii Ciise Masiix, anigoo shuqulka wadaadnimada u qabanaya injiilka Ilaah, in sadaqada dadka aan Yuhuudda ahayn la aqbalo, iyadoo quduus lagaga dhigay Ruuxa Quduuskaa.

17. Haddaba xagga Ciise Masiix waxaan leeyahay wax aan ku faano, waana wax ku saabsan Ilaah.

18. Waayo, kuma dhici doono inaan waxba ka hadlo wixii Masiixii iga dhex shaqeeyey mooyaane, dadka aan Yuhuudda ahayn addeeciddooda aawadeed, oo uu igaga dhex shaqeeyey hadal iyo camal,

19. oo uu ku sameeyey xoogga calaamooyinka iyo yaababka, iyo xoogga Ruuxa Quduuskaa, oo sidaasaan injiilka Masiixa ugu wada wacdiyey Yeruusaalem iyo hareeraheeda iyo ilaa Illurikon.

20. Sidaasaan u hawaystay inaan injiilka ku wacdiyo meel aan Masiixa awil lagu magacaabin, si aanan ugu dul dhisin aasaaska nin kale dhigay.

21. Laakiinse, sida qoran, Waxaa arki doona kuwo aan warkiisu u iman, Kuwii aan maqlinuna waa garan doonaan.

22. Sidaas daraaddeed marar badan baa layga hor joogsaday imaatinkii aan idiin iman lahaa;