Kitaabka Quduuska Ah

Muujintii 19:7-16 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

7. Aynu rayrayno oo aad u faraxno, oo aynu ammaanno isaga; waayo, arooskii Wanku wuu yimid, oo afadiisiina way isdiyaarisay.

8. Oo waxaa iyadii lagu amray inay xidhato dhar wanaagsan oo dhalaalaya oo daahir ah; waayo, dharka wanaagsanu waxa weeye falimihii xaqa ahaa oo quduusiinta.

9. Oo wuxuu igu yidhi, Waxaad qortaa, Waxaa barakaysan kuwa loogu yeedhay arooska Wanka cashadiisa. Oo wuxuu kaloo igu yidhi, Kuwanu waa erayadii Ilaah oo run ah.

10. Inaan isaga caabudo aawadeed ayaan cagihiisa ugu hor dhacay. Oo isna markaasuu wuxuu igu yidhi, Iska jir oo saas ha yeelin. Anigu waxaan addoon la ahay adiga iyo walaalahaaga haya markhaatifuridda Ciise. Ilaah u sujuud, waayo, markhaatifuridda Ciise waa ruuxa wax sii sheegidda.

11. Oo bal eeg, waxaan arkay samadii oo furantay, iyo faras cad, oo kii fuushanaana waxaa la odhan jiray Aamin iyo Run; oo isagu xaqnimuu wax ku xukumaa oo uu ku diriraa.

12. Oo indhihiisuna waxay u ekaayeen ololka dabka, madaxiisana waxaa u saarnaa taajaj badan; oo waxaa ugu qornaa magac aanu ninna aqoon isaga mooyaane.

13. Oo isna wuxuu qabay dhar dhiig lagu rusheeyey, magiciisana waxaa la odhan jiray ereyga Ilaah.

14. Oo ciidammadii samada ku jirayna isagay soo raaceen iyagoo fuushan fardo cadcad oo qaba dhar wanaagsan oo cad oo daahir ah.

15. Oo afkiisana waxaa ka soo baxday seef af badan inuu ku laayo quruumaha; oo wuxuu iyaga ku xukumi doonaa ul bir ah, oo wuxuu ku tumay macsaraddii canabka oo xanaaqii cadhada Ilaaha Qaadirkaa.

16. Oo dharkiisa iyo bowdadiisana waxaa ugu qornaa magac, kaas oo ah BOQORKA BOQORRADA, IYO SAYIDKA SAYIDYADA.