Kitaabka Quduuska Ah

Miikaah 2:7-13 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

7. Reer Yacquubow, ma waxaa la odhan doonaa, Ruuxii Rabbigu miyuu soo dulqaadasho yaraaday? Kuwanuse ma falimihiisii baa? Miyaan erayadaydu wax wanaagsan u tarin kii si qumman u socda?

8. Laakiinse waayahan dambeba dadkaygii wuxuu u kacay sidii cadow oo kale. Waxaad marada ka saartaan dharka dadka jidka ammaan ku maraya sidii kuwa dagaal ka noqda.

9. Dumarkii dadkayga waxaad ka saartaan guryahoodii wacnaa, oo carruurtoodii yaryaraydna waxaad weligiin ka qaadataan ammaantaydii.

10. Sara joogsada oo taga, waayo, tanu ma aha nasashadiinna, maxaa yeelay, waxaa jirta wasakh wax ku baabbi'inaysa baabba' xoog badan.

11. Nin dabayl iyo khiyaano ku dhex socda hadduu been sheego oo yidhaahdo, Waxaan wax kaaga sii sheegayaa khamri iyo wax lagu sakhraamo, xataa kaasu nebi buu dadkan u noqon doonaa.

12. Reer Yacquubow, sida xaqiiqada ah dhammaantiin waan soo wada shirin doonaa, sida xaqiiqada ah waxaan soo ururin doona kuwa dadka Israa'iil ka hadhay, oo waxaan iyaga isugu wada keeni doonaa sidii idihii Bosraah, sidii adhi daaqsiintiisii ku dhex jira, oo dadkooda badan daraaddiis aad bay u buuqi doonaan.

13. Kan wax jebiyo ayaa hortood tegey. Way soo fara baxsadeen oo waxay u gudbeen xagga iridda, oo halkaasay ka bexeen, oo boqorkoodiina hortooduu maray, oo Rabbiguna waa kan madax u ah.