Kitaabka Quduuska Ah

Markos 9:40-50 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

40. Waayo, kan aan inaga gees ahayn waa inala gees.

41. Ku alla kii koob biyo ah magacayga idinku siiyaa, maxaa yeelay, waxaad tihiin kuwa Masiix, runtii waxaan idinku leeyahay, Abaalkiisuu ka lumi maayoba.

42. Ku alla kii xumeeya yaryarkan i rumaystay midkood, waxaa u roon in dhagaxshiid luqunta looga lalmiyo oo badda lagu tuuro.

43. Haddii gacantaadu ku xumayso, iska jar; waxaa kuu wanaagsan inaad gacanla'aan nolosha ku gashid intii aad adigoo laba gacmood leh ula tegi lahayd jahannamada ee ah dabkii aan la demin karayn

44. oo ah meeshii dixirigoodu uusan dhimanayn, dabkuna uusan ka demayn.

45. Cagtaaduna hadday ku xumayso, iska jar. Waxaa kuu wanaagsan inaad lugla'aan nolosha ku gashid intii adigoo laba cagood leh lagugu tuuri lahaa jahannamada

46. oo ah meeshii dixirigoodu uusan dhimanayn, dabkuna uusan ka demayn.

47. Haddii ishaadu ku xumayso, iska bixi. Waxaa kuu wanaagsan inaad boqortooyada Ilaah gashid adigoo il keliya leh intii adigoo laba indhood leh lagugu tuuri lahaa jahannamada

48. oo ah meeshii dixirigoodu uusan dhimanayn, dabkuna uusan ka demayn.

49. Waayo, mid walba dab baa lagu cusbayn doonaa.

50. Cusbadu waa wanaagsan tahay, laakiin cusbadu hadday dhadhan beesho, maxaad wax ku cusbaynaysaan? Cusbo isku lahaada, nabadna isu ahaada.