Kitaabka Quduuska Ah

Markos 7:13-28 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

13. Ereygii Ilaah ayaad ku buriseen xeerkiinna aad bixiseen, oo wax badan oo kuwan oo kale ah ayaad samaysaan.

14. Markaasuu dadkii badnaa haddana u yeedhay oo ku yidhi, I maqla kulligiin oo garta.

15. Ma jiraan wax dibadda jooga oo intay ninka galaan nijaasayn karaa, laakiin waxa isaga ka soo baxa kuwaasaa waxa ninka nijaaseeya.

16. Haddii nin dhego wax lagu maqlo leeyahay ha maqlo.

17. Markuu dadka ka tegey oo guri galay ayaa xertiisii masaalladii wax ka weyddiisay.

18. Wuxuu iyaga ku yidhi, Idinkuna ma sidaasaad garashola'aan u tihiin? Miyaydnaan garanaynin in waxa dibadda joogaa oo dadka galaa ayan nijaasayn karin?

19. Waayo, qalbigiisa ma galaan, laakiin calooshiisay galaan, oo waxay ku dhacaan meesha lagu saxaroodo. Sidaasuu cuntada oo dhan ku nadiifiyey.

20. Wuxuuna ku yidhi, Waxa ninka ka soo baxa, kuwaas weeye waxa ninka nijaaseeyaa.

21. Waayo, waxan weeye waxa qalbiga dadka gudihiisa ka soo baxa fikirrada shar leh, iyo galmada xaaraanta ah, iyo tuuganimada, iyo dilidda,

22. iyo damacnimada, iyo sharka, iyo khiyaanada, iyo camal xumaanta, iyo il xun, iyo cayda, iyo kibirka, iyo nacasnimada.

23. Waxyaalahan shar leh oo dhammu gudahay ka soo baxaan oo ninka nijaaseeyaan.

24. Meeshaas ayuu ka kacay oo wuxuu tegey soohdimaha Turos iyo Siidoon. Markaasuu guri galay. Ma uu doonaynin in la ogaado, laakiin wuu qarsoomi kari waayay.

25. Kolkaasaa naag gabadheedu jinni wasakh leh qabtay ayaa warkiisa maqashay, oo intay timid ayay lugihiisa isku tuurtay.

26. Naagtii waxay ahayd Gariig, qolo ahaanna Surofoynike. Oo waxay ka bariday inuu jinniga gabadheeda ka saaro.

27. Kolkaasuu ku yidhi, Kolka hore carruurtu ha dheergaan, waayo, ma wanaagsana in carruurta kibistooda la qaado oo eeyaha loo tuuro.

28. Laakiin way u jawaabtay oo ku tidhi, Waa run, Sayidow, laakiin weliba eeyaha miiska hoostiisa ku jiraa waxay cunaan jajabka carruurta ka dhaca.