Kitaabka Quduuska Ah

Markos 6:35-38 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

35. Goortii maalintii hore u badatay ayaa xertiisii u timid oo ku tidhi, Meeshu waa cidlo, haddana maalintii horay u badatay.

36. Dadka dir, si ay u tagaan beeraha iyo tuulooyinka ku wareegsan, oo ay wax la cuno u soo iibsadaan.

37. Kolkaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Idinku siiya waxay cunaan. Waxay ku yidhaahdeen, Miyaannu tagnaa inaannu soo iibinno laba boqol oo dinaar oo kibis ah oo aannu siinno inay cunaan?

38. Markaasuu ku yidhi, Immisa kibsood baad haysaan? Soo eega. Oo markay ogaadeen, waxay ku yidhaahdeen, Shan kibsood iyo laba kalluun.