Kitaabka Quduuska Ah

Markos 5:40-43 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

40. Iyaguse aad bay ugu qosleen, laakiin goortuu kulligood dibadda u saaray, wuxuu waday gabadhii aabbeheed iyo hooyadeed iyo kuwii isaga la jiray, wuxuuna galay meeshii gabadhu jiiftay.

41. Kolkaasuu gabadhii gacanteeda qabtay oo ku yidhi, Talita qumi, taasoo micneheedu yahay, Gabadhay, waxaan ku leeyahay, Kac.

42. Kolkiiba gabadhii waa kacday oo socotay; waxay jirtay laba iyo toban sannadood. Dadkuna aad bay ula wada yaabeen.

43. Aad buu ugu adkeeyey inaan ninna ogaan, wuxuuna u sheegay in cunto la siiyo iyada.