Kitaabka Quduuska Ah

Markos 5:34-37 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

34. Kolkaasuu wuxuu iyada ku yidhi, Gabadhay, rumaysadkaaga ayaa ku bogsiiyey. Nabad ku tag, cudurkaagiina ka bogso.

35. Goortuu weli hadlayay waxaa gurigii taliyaha sunagogga ka yimid kuwii yidhi, Gabadhaadii waa dhimatay. Maxaad Macallinka u sii dhibaysaa?

36. Mar alla markuu Ciise maqlay hadalka lagu hadlay, wuxuu taliyaha sunagogga ku yidhi, Ha baqin ee iska rumayso.

37. Ninnana uma oggolaanin inuu raaco, Butros, iyo Yacquub, iyo Yooxanaa oo ahaa Yacquub walaalkiis, maahee.