Kitaabka Quduuska Ah

Markos 12:38-40 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

38. Markuu wax barayay wuxuu ku yidhi, Iska jira culimmada oo doonaya inay khamiisyo dhaadheer ku socdaan, oo jecel salaanta suuqa,

39. iyo kursiyada hore oo sunagogyada, iyo meelaha hore oo diyaafadaha.

40. Waxay yihiin kuwa wada laasta guryaha carmallada, oo tukashooyin dhaadheer ayay istusid u tukadaan. Kuwaas waxay heli doonaan xisaab aad u daran.