Kitaabka Quduuska Ah

Luukos 5:37-39 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

37. Ninna khamri cusub kuma shubo qarbeddo duug ah, haddii kale khamrigii cusbaa ayaa qarbeddada kala dildillaacinaya, oo waa daadanayaa; qarbeddaduna waa hallaabayaan.

38. Laakiin khamri cusub waa in lagu shubaa qarbeddo cuscusub.

39. Ma jiro nin, hadduu khamri duug ah cabbay, doonaya kan cusub, waayo, wuxuu leeyahay, Kan duugga ah ayaa wanaagsan.