Kitaabka Quduuska Ah

Luukos 2:24-32 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

24. iyo inay allabari u bixiyaan siday ugu qoran tahay sharciga Rabbiga, Laba qoolley ama laba xamaam oo yaryar.

25. Bal eeg, waxaa Yeruusaalem joogay nin magiciisii ahaa Simecoon. Ninkaasu wuxuu ahaa nin xaq ah oo cibaado leh; wuxuuna sugayay gargaaridda Israa'iil. Ruuxii Quduuska ahaana waa dul joogay.

26. Waxaana Ruuxii Quduuska ahaa u muujiyey inaanu dhimasho arag intaanu Rabbiga Masiixiisa arkin.

27. Oo wuxuu Ruuxii ku galay macbudka, oo goortii waalidkii keeneen wiilkii Ciise ahaa inay caadadii sharciga ku sameeyaan,

28. markaasuu gacmihiisa ku qaaday, oo Ilaah ammaanay, oo yidhi,

29. Rabbiyow, imminka addoonkaagu nabad ha ku tago, Sida hadalkaagu ahaa,

30. Waayo, indhahaygu waxay arkeen badbaadintaada,

31. Tan aad dadka oo dhan hortiis hagaajisay,

32. Oo ah iftiin quruumaha lagu muujiyo, Iyo ammaanta dadkaaga Israa'iil.