Kitaabka Quduuska Ah

Luukos 15:1-3 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Waxaa Ciise u soo dhowaanayay cashuurqaadayaasha iyo dembilayaasha oo dhan inay maqlaan.

2. Kolkaasay Farrisiintii iyo culimmadiiba gunuunaceen, iyagoo leh, Ninkanu dembilayaashuu soo dhoweeyaa oo wax la cunaa.

3. Markaasuu masaalkan kula hadlay, oo ku yidhi,