Kitaabka Quduuska Ah

Hoosheeca 6:7-10 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

7. Laakiinse iyagu sidii Aadan oo kale ayay axdigii ku xadgudbeen, oo halkaasay khiyaano iigula macaamiloodeen.

8. Gilecaad waa magaalada kuwa xumaanta ka shaqeeya, oo dhiig baa wasakheeyey.

9. Oo sidii guutooyin shufta ahu ay nin ugu gabbadaan ayaa guuto wadaaddo ahu dhiig ku daadisaa jidka u baxa Shekem, oo wasakhnimo bay sameeyeen.

10. Dadka Israa'iil waxaan ku dhex arkay wax aad iyo aad u xun. Reer Efrayim waxaa laga dhex helay sino, dadka Israa'iilna way nijaasoobeen.