Kitaabka Quduuska Ah

Falimaha Rasuullada 3:6-13 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

6. Laakiin Butros baa ku yidhi, Lacag iyo dahab midna ma haysto, laakiin waxaan haystaan ku siinayaa. Magaca Ciise Masiix, kii reer Naasared, ku soco.

7. Markaasuu intuu gacanta midigtaa ku dhegay ayuu sara kiciyey; oo markiiba cagihiisii iyo anqowyadiisiiba waa xoogaysteen.

8. Intuu kor u booday ayuu istaagay oo socod bilaabay; markaasuu iyaga macbudkii la galay, isagoo socda oo boodboodaya oo Ilaah ammaanaya.

9. Dadkii oo dhammuna waxay arkeen isagoo socda oo Ilaah ammaanaya;

10. markaasay waxay garteen inuu isagu yahay kii Albaabkii Quruxda Badnaa agtiisa dawarsiga u fadhiisan jiray; markaasay yaab iyo amankaag ula dhinteen wixii ku dhacay isaga.

11. Oo intuu Butros iyo Yooxanaa ku dhegganaa ayay dadkii oo dhammu ku soo wada ordeen balbaladii la odhan jiray Balbaladii Sulaymaan iyagoo aad u yaabsan.

12. Markuu Butros dadkii arkay ayuu u jawaabay oo ku yidhi, Niman yahow reer binu Israa'iil, Maxaad waxan ula yaabsan tihiin, ama maxaad sidaas noogu fiirinaysaan sidii annagoo xooggayaga ama cibaadadayada ku socodsiinnay isaga?

13. Ilaaha Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub, oo ahaa Ilaaha awowayaasheen, wuxuu ammaanay Midiidinkiisii Ciise, kii aad gacangeliseen oo aad Bilaatos hortiisa ku diideen markuu goostay inuu sii daayo.