Kitaabka Quduuska Ah

Falimaha Rasuullada 17:32-34 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

32. Haddaba kolkay maqleen wax ku saabsan ka soo sarakicidda kuwii dhintay, qaar waa ku qosleen, laakiin qaar kale waxay yidhaahdeen, Mar kale ayaannu waxan kaa maqli doonnaa.

33. Haddaba Bawlos waa ka dhex tegey iyagii.

34. Laakiin niman baa raacay isagii oo rumaystay; kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Diyonusiyos ki Are'obagos, iyo haweenay la odhan jiray Damaris, iyo kuwo kale oo la socdayba.