Kitaabka Quduuska Ah

Baxniintii 8:13-15 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

13. Rabbiguna wuu yeelay siduu Muuse yidhi, oo rahyadii waa ka idlaadeen guryihii, iyo barxadihii, iyo beerihiiba.

14. Kolkaasay isu soo wada ururiyeen oo meelo ku tuuleen, markaasaa dalkii uray.

15. Fircoonse markuu arkay inay wixii joogsadeen ayuu qalbiga ka sii qallafsanaaday, mana uu dhegaysan iyagii, sidii Rabbigu yidhi.