Kitaabka Quduuska Ah

Baxniintii 40:1-5 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo ku yidhi,

2. Bisha kowaad maalinteeda kowaad waa inaad taambuugga teendhada shirka qotomisaa.

3. Oo waa inaad sanduuqa maragga gudaheeda gelisaa, oo sanduuqa waa inaad ilxidhka ku qarisaa.

4. Oo miiskana waa inaad gudaha soo gelisaa, oo aad alaabta saaran hagaajisaa, oo laambaddana waa inaad gudaha soo gelisaa, oo laambadaheeda waa inaad shiddaa.

5. Oo meesha allabariga oo dahabka ah oo fooxa waxaad dhigtaa sanduuqa maragga hortiisa, oo iridda taambuuggana daaheeda sudh.