Kitaabka Quduuska Ah

Baxniintii 39:34-40 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

34. iyo dedkii ahaa wananka hargahooda oo la caseeyey, iyo dedkii ahaa hargaha adhidibadeedka, iyo ilxidhkii daaha ahaa,

35. iyo sanduuqii maragga, iyo ulihiisii, iyo daboolkii,

36. iyo miiskii, iyo alaabtiisii oo dhan, iyo kibistii tusniinta,

37. iyo laambaddii saafiga ahayd, iyo laambadaheedii, kuwaasoo ah laambadihii la diyaarin lahaa, iyo alaabtoodii oo dhan, iyo saliiddii lagu shidi lahaa,

38. iyo meeshii allabariga oo dahabka ahayd, iyo saliiddii lagu subkan lahaa, iyo fooxii udgoonaa, iyo daahii iridda teendhada,

39. iyo meeshii allabariga oo naxaasta ahayd, iyo shabaggeedii naxaasta ahaa, iyo ulaheedii, iyo alaabteedii oo dhan, iyo berkeddii weysada, iyo salkeedii,

40. iyo barxadda daahyadeedii, iyo tiirarkeedii, iyo saldhigyadeedii, iyo daahii iridda barxadda, iyo xadhkihiisii, iyo musmaarradiisii, iyo alaabtii lagu qaban lahaa hawsha taambuugga oo dhan, teendhada shirka aawadeed,