Kitaabka Quduuska Ah

Baxniintii 29:39-45 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

39. Wan waa inaad subaxda bixisaa, wanka kalena waa inaad makhribka bixisaa.

40. Oo bur wanaagsan oo hiin rubuceed oo saliid saafi ah lagu daray toban meelood oo meel waa inaad wanka la bixisaa, iyo weliba hiin rubuceed oo khamri ah oo ah qurbaankii cabniinka.

41. Oo wanka kalena waa inaad makhribka bixisaa, oo waxaad u bixisaa sida qurbaanka hadhuudhka ah oo subaxda, iyo qurbaanka cabniinka oo subaxda, caraf udgoon ha lahaado hana ahaado qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo.

42. Oo wuxuu ka ab ka ab ahaan doonaa qurbaan joogto ah oo Rabbiga hortiisa lagu gubo xagga iridda taambuugga shirka, oo ah meesha aan kugula kulmi doono inaan kula hadlo aawadeed.

43. Oo halkaas reer binu Israa'iil ayaan kula kulmi doonaa; oo taambuugguna wuxuu quduus ku noqon doonaa ammaantayda.

44. Oo waxaan quduus ka dhigi doonaa taambuugga shirka iyo meesha allabariga; oo Haaruun iyo wiilashiisana quduus baan ka dhigi doonaa, inay hawsha wadaadnimada iiga adeegaan.

45. Oo anigu waxaan dhex joogi doonaa reer binu Israa'iil, oo waxaan ahaan doonaa Ilaahood.