Kitaabka Quduuska Ah

Baxniintii 20:1-4 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Markaasaa Rabbigu erayadan oo dhan ku hadlay, isagoo leh,

2. Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahaaga ah, oo kaa soo bixiyey dalkii Masar iyo gurigii addoonsiga.

3. Aniga mooyaane ilaahyo kale waa inaanad lahaan.

4. Waa inaanad samaysan sanam xardhan, ama wax u eg waxa samada sare jira, ama waxa dhulka hoose jira, ama waxa biyaha dhulka ka hooseeya ku jira.