Kitaabka Quduuska Ah

Baroorashadii Yeremyaah 3:35-39 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

35. Iyo in dadka xaqiisa laga leexiyo Ilaaha sare hortiisa,

36. Iyo in nin gartiisa laga qalloociyo, Sayidku raalli kama aha.

37. Waa kee kan wax odhanaya oo ay noqdaan, Sayidkoo aan amrin?

38. Kan ugu sarreeya afkiisa sow kama soo baxaan belaayo iyo wanaagba?

39. Bal maxaa nin noolu u cabtaa, maxaase nin ciqaabta dembigiisa uga cabtaa?