Kitaabka Quduuska Ah

Baroorashadii Yeremyaah 3:28-39 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

28. Keligiis ha fadhiisto isagoo aamusan, maxaa yeelay, isagaa kor saaray.

29. Afkiisa ciidda ha daro, waxaa suurtowda inay rajo jirto.

30. Dhabankiisa ha u dhiibo mid dharbaaxa, oo cay ha ka dhergo.

31. Waayo, Sayidku ilaa weligiis ma uu sii tuuri doono.

32. Maxaa yeelay, inkastoo uu murugeeyo, haddana weli wuu ugu nixi doonaa naxariistiisa badnaanteeda aawadeed.

33. Waayo, isagu binu-aadmiga kas uma dhibo, umana murugeeyo.

34. In maxaabiista dunida oo dhan cagaha hoostooda lagu burburiyo,

35. Iyo in dadka xaqiisa laga leexiyo Ilaaha sare hortiisa,

36. Iyo in nin gartiisa laga qalloociyo, Sayidku raalli kama aha.

37. Waa kee kan wax odhanaya oo ay noqdaan, Sayidkoo aan amrin?

38. Kan ugu sarreeya afkiisa sow kama soo baxaan belaayo iyo wanaagba?

39. Bal maxaa nin noolu u cabtaa, maxaase nin ciqaabta dembigiisa uga cabtaa?