Kitaabka Quduuska Ah

Baroorashadii Yeremyaah 3:10-17 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

10. Wuxuu igu noqday sidii orso ii gabbanaysa iyo sidii libaax meelo qarsoon iigu dhuumanaya.

11. Jidadkaygii wuu iga leexiyey, oo cad cad buu ii kala jaray, cidla buuna iga dhigay.

12. Qaansadiisii wuu xootay, oo wuxuu iga dhigay goolibaadhkii fallaadha.

13. Isagu wuxuu ka dhigay fallaadhihii gabooyihiisu inay kelyahayga galaan.

14. Waxaan dadkaygii oo dhan u noqday wax la quudhsado, oo maalintii oo dhanna gabaygooda way igu halqabsadaan.

15. Wuxuu iga buuxiyey qadhaadh, dacar buuna igu dhergiyey.

16. Ilkahaygii dhagaxyo quruurux ah ayuu ku jejebiyey, oo dambas buu igu daboolay.

17. Naftaydii nabad waad ka fogaysay, oo barwaaqo iyo wanaag waan illoobay.