Kitaabka Quduuska Ah

Baroorashadii Yeremyaah 3:1-9 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Anigu waxaan ahay ninkii arkay dhibaatadii ay ushii cadhadiisu keentay.

2. Wuu i hoggaamiyey oo igu dhex socodsiiyey gudcur aan iftiin lahayn.

3. Sida xaqiiqada ah maalintii oo dhan ayuu mar kasta gacantiisa igu sii jeediyaa.

4. Jiidhkaygii iyo haraggaygiiba wuu gaboojiyey, lafahaygiina wuu jejebiyey.

5. Wax buu igu wareejiyey, oo wuxuu igu hareereeyey qadhaadh iyo dhib.

6. Wuxuu iga dhigay inaan meelo gudcur ah dego sidii kuwii waagii hore dhintay.

7. Derbi buu igu wareejiyey si aanan u bixi karin, silsiladdaydiina mid culus buu ka dhigay.

8. Oo weliba markaan dhawaaqo oo aan caawimaad u qayshadona baryadayda wuu diidaa.

9. Jidadkaygii wuxuu ku awday dhagaxyo la qoray, oo wadiiqooyinkaygiina wuu qalloociyey.