Kitaabka Quduuska Ah

Ayuub 9:24-29 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

24. Dhulka waxaa gacanta loo geliyey kan sharka ah; Oo isna wuxuu indhasaabaa xaakinnadii dhulka. Bal hadduusan isaga ahayn, haddaba waa ayo?

25. Haddaba cimrigaygu waa ka sii dheereeyaa nin orda, Wuu iga cararaa, oo wanaagna ma arko.

26. Wuxuu ii dhaafay sida doonniyaha dheereeya, Iyo sida gorgor raq ku soo deganaya.

27. Haddaan odhan lahaa, Cabatinkayga waan illoobi doonaa, Oo tiiraanyada jaaha iga saaran waan iska tuuri doonaa, oo waan faraxsanaan doonaa,

28. Waxaan ka baqayaa caloolxumadayda oo dhan, Waayo, waan ogahay inaadan ii haysanayn sidii mid aan xaq qabin.

29. Kolleyba waa lay xukumayaaye, Bal maxaan waxtarla'aan u hawshoodaa?