Kitaabka Quduuska Ah

Ayuub 8:4-13 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

4. Haddii carruurtaadii ay isaga ku dembaabeen, Wuxuu iyagii u gacangeliyey xadgudubkoodii.

5. Haddaad aad u barido Ilaah, Oo aad baryootankaaga hor dhigto Qaadirka,

6. Haddaad daahir ahaan lahayd oo aad qummanaan lahayd, Sida xaqiiqada ah haatan wuu kuu toosi lahaa, Oo hoyga xaqnimadaadana wuu barwaaqayn lahaa.

7. Oo in kastoo bilowgaagii yaraa, Haddana ugudambaystaadu aad bay u weynaan lahayd.

8. Waan ku baryayaaye bal qarniyadii hore wax weyddii, Oo bal soo garwaaqso waxyaalihii ay awowayaashood fatasheen,

9. (Waayo, innagu waxaynu nahay qoonkii shalayto oo qudha, oo waxba garan mayno, Maxaa yeelay, cimrigeenna aan dhulka joognaa waa sida hoos oo kale.)

10. War sow iyagu wax kuma bari doonaan, oo wax kuuma sheegi doonaan, Oo sow qalbigooda kaalama hadli doonaan?

11. War miyaa cawdu ka bixi kartaa meel aan dhoobo lahayn? Cawsduurkuse miyuu bixi karaa biyola'aantood?

12. Intuu weli cagaarka yahay oo aan la gooyn, Wuu ka hor engegaa dhalatada kale oo dhan.

13. Kuwa Ilaah illooba oo dhan wadiiqooyinkoodu waa sidaas oo kale, Oo ninkii cibaadalaawe ah rajadiisuna way baabba'daa.