Kitaabka Quduuska Ah

Ayuub 8:17-22 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

17. Oo xididdadiisuna waxay isku duuduubaan taallo dhagaxyo ah, Oo wuxuu fiiriyaa meesha dhagaxyada.

18. Isaga haddii meeshiisa laga baabbi'iyo, Markaasay inkiri doontaa isaga, oo waxay odhan doontaa, Anigu kumaba arag.

19. Farxadda jidkiisu waa sidaas, Oo waxaa dhulka ka soo bixi doona kuwa kaleto.

20. Ilaah marnaba xoori maayo nin qumman, Kuwa sharka falase tiirin maayo.

21. Wuxuu afkaaga ka buuxin doonaa qosol, Bushimahaagana qaylo farxad leh,

22. Kuwa ku neceb waxay xidhan doonaan ceeb, Teendhada sharrowyaduna mar dambe siima jiri doonto.