Kitaabka Quduuska Ah

Ayuub 7:7-16 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

7. Bal xusuusta in noloshaydu tahay dabayl uun, Ishayduna mar dambe samaan ma arki doonto.

8. Kii i fiiriya ishiisu mar dambe ima arki doonto, Indhahaagu way i fiirin doonaan, laakiinse anigu ma jiri doono.

9. Sida daruurtu ay u libidho oo ay u baabba'do, Sidaasoo kale ayaa kii She'ool hoos u galaa uusan mar dambe kor uga soo noqonayn.

10. Isagu mar dambe gurigiisii kuma soo noqon doono, Oo meeshiisiina mar dambe ma ay aqoon doonto.

11. Sidaas daraaddeed anigu afkayga celin maayo; Waxaan ku hadli doonaa cidhiidhiga qalbigayga, Oo waxaan ku caban doonaa tiiraanyada qadhaadh oo naftayda.

12. War anigu ma bad baan ahay, mase nibiriga badda, Bal maxaad ii daawanaysaa?

13. Markaan idhaahdo, Sariirtaydaa ii raxayn doonta, Oo gogoshaydaa cabatinkayga iga sahali doonta,

14. Ayaad riyooyin igu bajisaa, Oo waxaad igu cabsiisaa muuqashooyin.

15. Sidaas daraaddeed naftaydu waxay lafahayga ka doorataa Ceejin iyo geeri.

16. Noloshayda waan nacsanahay, oo dooni maayo inaan weligay sii noolaado; War iska kay daa, waayo, cimrigaygu waa neefsasho oo kale.