Kitaabka Quduuska Ah

Ayuub 5:12-21 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

12. Madhnaan buu ka dhigaa talada khaa'innada, Si ayan gacmahoodu u oofin karin farsamadoodii.

13. Isagu kuwa xigmadda leh ayuu khiyaanadooda ku qabtaa; Oo kuwa qalloocan taladoodana degdeg baa loo rogaa.

14. Oo maalinnimada ayay gudcur helaan, Oo hadhka ayay wax haabhaabtaan sida habeennimada oo kale.

15. Laakiinse isagu kuwa baahan ayuu ka badbaadiyaa seefta afkooda, Iyo kuwa xoogga badan gacantooda.

16. Sidaas daraaddeed kii miskiin ahu rajuu leeyahay, Xumaantuse afkeeday xidhaa.

17. Bal eeg, waxaa faraxsan ninkii Ilaah canaanto, Haddaba ha quudhsan Qaadirka edbintiisa.

18. Waayo, isagu wax buu nabar u yeelaa, waana duubaa; Wuu dhaawacaa, gacmihiisuna way bogsiiyaan.

19. Wuxuu kaa samatabbixin doonaa lix dhibaato, Oo marka toddobaadna belaayo kuma taaban doonto innaba.

20. Wakhtiga abaarta ah dhimashuu kaa furan doonaa, Wakhtiga dagaalkana xoogga seefta.

21. Waad ka qarsoonaan doontaa karbaashidda carrabka; Oo baabbi'iddu markay timaadana kama aad cabsan doontid innaba.