Kitaabka Quduuska Ah

Ayuub 42:9-17 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

9. Sidaas daraaddeed Eliifas oo ahaa reer Teemaan, iyo Bildad oo ahaa reer Shuuxii, iyo Soofar oo ahaa reer Nacamaatii way tageen oo waxay u sameeyeen sidii Rabbigu ku amray, oo Rabbiguna Ayuub wuu aqbalay.

10. Rabbiga ayaa Ayuub axwaalkiisii beddelay markuu saaxiibbadiis u duceeyey; oo Rabbiguna Ayuub wuxuu siiyey wixii uu markii hore lahaa laba jibbaarkood.

11. Markaasaa Ayuub waxaa u yimid walaalihiis oo dhan, wiilal iyo gabdhoba, iyo kuwii isaga hore u yiqiin oo dhan, oo gurigiisii ayay kibis kula cuneen, wayna u tacsiyeeyeen, oo waxay uga qalbi qaboojiyeen masiibadii Rabbigu isaga ku soo dejiyey oo dhan. Oo nin kastaaba wuxuu isagii siiyey in lacag ah iyo hilqad dahab ah.

12. Oo sidaasuu Rabbigu Ayuub ugudambaystiisii u barakeeyey in ka sii badan bilowgiisii hore; oo wuxuu lahaa afar iyo toban kun oo ido ah, iyo lix kun oo geel ah, iyo laba kun oo dibi, iyo kun dameerood.

13. Oo weliba wuxuu lahaa toddoba wiil iyo saddex gabdhood.

14. Oo middii kowaad magaceedii wuxuu u bixiyey Yemiimaah, tii labaad magaceediina wuxuu u bixiyey Qasicaah, tii saddexaad magaceediina wuxuu u bixiyey Qeren Hafuug.

15. Oo waddankaas oo dhanna laguma arag dumar u qurxoon sida gabdhaha Ayuub, oo aabbahoodna dhaxal buu walaalahood la siiyey.

16. Oo wakhtigaas dabadeed Ayuub wuxuu noolaa boqol iyo afartan sannadood, oo wuxuu arkay wiilashiisii, iyo wiilashiisa wiilashoodiiba, tan iyo intii afar fac ah.

17. Markaasaa Ayuub dhintay isagoo duq ah oo cimri weyn.