Kitaabka Quduuska Ah

Ayuub 42:1-6 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Markaasaa Ayuub Rabbiga u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,

2. Waan ogahay inaad wax walba kartid, Iyo inaan qasdigaaga innaba la joojin karin.

3. Bal waa ayo kan aan aqoonta lahayn oo talada qariyaa? Haddaba anigu waxaan ku hadlay wax aanan garanayn, Oo ah waxyaalo aad iiga yaabiyey oo aanan innaba aqoon.

4. Waan ku baryayaaye i maqal aan kula hadlee, Oo wax baan ku weyddiinayaaye ii sheeg.

5. Markii hore ayaan wax kugu saabsan dhegaha ku maqlay, Laakiinse haatan indhahaan kugu arkayaa,

6. Sidaas daraaddeed waan isnacayaa, Waanan toobadkeenayaa anigoo boodh iyo dambas ku fadhiya.