Kitaabka Quduuska Ah

Ayuub 41:18-34 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

18. Hindhisooyinkiisa waxaa ka soo widhwidha iftiin, Oo indhihiisuna waa sidii kaaha waaberiga.

19. Afkiisa waxaa ka soo baxa wax ololaya, Oo waxaa ka soo duula dhimbiilo dab ah.

20. Dulalka sankiisa qiiq baa ka soo baxa Sida dheri karaya iyo cawsduur ololaya.

21. Neeftiisu dhuxulay shiddaa, Oo olol baa afkiisa ka soo baxa.

22. Luquntiisu xoog bay leedahay, Oo cabsina hortiisay ku booddaa.

23. Duudduubyada jidhkiisu way isku wada dheggan yihiin, Wayna ku adag yihiin oo innaba lama dhaqaajin karo.

24. Qalbigiisu wuxuu u adag yahay sida dhagax oo kale, Hubaal wuxuu u adag yahay sida dhagaxa shiidka ee hoose.

25. Markuu sara joogsado ayay kuwa xoogga badanu baqaan, Oo naxdin daraaddeed ayay la waashaan.

26. In kastoo lagula kaco seef, Iyo waran, iyo fallaadh, iyo hoto, kolleyba waxba kama tari karaan.

27. Isagu birta wuxuu ku tiriyaa sida caws engegan oo kale, Naxaastana wuxuu ku tiriyaa sida qori bololay.

28. Fallaadhu isaga ma eryi karto, Oo dhagaxyada wadhafkuna waxay isaga u noqdaan sidii xaab oo kale.

29. Budhadhkuna waxay isaga la yihiin sidii xaab oo kale, Oo hotada ruxmashadeedana wuu ku qoslaa.

30. Boggiisa hoose waa sida dheryo burburradooda afaysan, Oo wuxuu dhoobada ugu kor dhaqaaqaa sida gaadhi hadhuudh lagu tumo.

31. Isagu moolkuu u kariyaa sidii dheri oo kale, Oo baddana wuxuu ka dhigaa sida weel cadar ku jiro oo kale.

32. Xaggiisa dambe wuxuu noqdaa jid wax ka iftiimo, Oo moolkana waxaa loo maleeyaa sidii cirro oo kale.

33. Dhulka ma joogo mid sidiisa oo kale, Oo cabsila'aan la abuuray.

34. Isagu wuxuu fiiriyaa waxyaalaha sare oo dhan, Oo inta kibirsan oo dhan boqor buu u yahay.