Kitaabka Quduuska Ah

Ayuub 41:1-6 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. War bahalbadeedka Lewiiyaataan la yidhaahdo miyaad jillaab kalluun ku soo bixin kartaa? Carrabkiisase ma hoos baad xadhig ugu adkayn kartaa?

2. Ma sankiisaad xadhig ku xidhi kartaa? Mase daankiisaad jillaab ku duleelin kartaa?

3. Isagu ma aad buu kuu baryi doonaa? Mase hadal macaan buu kugula hadli doonaa?

4. Ma axdi buu kula dhigan doonaa, Si aad addoon uga dhigatid weligiisba?

5. Ma waxaad isaga ula cayaari doontaa sidaad shimbir ula cayaartid oo kale? Miyaadse gabdhahaaga u xidhi doontaa?

6. Kalluumaystayaashu miyey isaga iibin doonaan? Mase baayacmushtariyaasha bay u qaybin doonaan?