Kitaabka Quduuska Ah

Ayuub 40:1-5 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Oo weliba Rabbigu Ayuub buu u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,

2. Kii murmayaa ma Ilaaha Qaadirka ah buu la diriri karaa? Kii Ilaah la doodayaa ha ka jawaabo taas.

3. Markaasaa Ayuub Rabbiga u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,

4. Bal eeg, wax yar baan ahay, haddaba bal maxaan kuugu jawaabaa? Afkaan gacanta saarayaa.

5. Mar baan hadlay, jawaab dambena u noqon maayo, Laba jeer oo qudha ayaan hadlay, laakiinse hadda ka dib sii wadi maayo.