Kitaabka Quduuska Ah

Ayuub 39:21-24 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

21. Dooxaduu qoobka ku garaacaa, oo xooggiisuu ku reyreeyaa, Oo intuu baxo ayuu ka hor tagaa ragga hubka sita.

22. Cabsida wuu ku qoslaa, oo ma uu baqo, Oo seeftana dib ugama noqdo.

23. Korkiisa waxaa ka sanqadha gabooye, Iyo waran birbirqaya iyo hoto.

24. Isagu dhulkuu ku liqaa gariir iyo cadho, Oo buunka codkiisa hadduu maqlona ma istaago.