Kitaabka Quduuska Ah

Ayuub 39:1-6 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. War miyaad taqaan markay ri'dibadeedda qarka joogta dhasho? Miyaadse arki kartaa markay deerooyinku dhalaan?

2. Miyaad tirin kartaa bilaha sidkoodu ku buuxsamo? Miyaadse taqaan wakhtiga ay dhalaan?

3. Intay arruntaan ayay ubadkooda dhalaan, Oo fooshoodana way iska saaraan.

4. Oo ubadkooda yaryaruna way kobcaan, oo waxay ku koraan berrin bannaan, Oo intay baxaan ayaanay mar dambe soo noqon.

5. Bal yaa dameerdibadeedka xoreeyey? Yaase dameerdibadeedka xadhkihiisii ka furay?

6. Kaas gurigiisa waxaan ka dhigay cidlada, Oo rugtiisuna waa dalka cusbada.