Kitaabka Quduuska Ah

Ayuub 35:9-13 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

9. Dulmiga ku batay daraaddiis ayay u qayliyaan, Oo kan xoogga badan gacantiisa daraaddeed ayay caawimaad ugu qayshadaan.

10. Laakiinse ninna ma yidhaahdo, Meeh Ilaahii i abuuray, Oo habeenkii gabayo i siiya,

11. Oo wax na bara in ka sii badan xayawaanka dunida jooga, Oo weliba naga sii xigmad badiya haadda samada duusha?

12. Dadka sharka ah kibirkooda daraaddiis Ayay iyagu halkaas uga qayliyaan, laakiinse ninna uma jawaabo.

13. Hubaal Ilaah maqli maayo wax aan waxba ahayn, Oo Kan Qaadirka ahuna innaba ka fiirsan maayo.