Kitaabka Quduuska Ah

Ayuub 34:31-36 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

31. Waayo, ninna miyuu Ilaah ku yidhi, Anigu edbintii waan qaatay, oo mar dambe ninna xumayn maayo,

32. Haddaba waxaanan u jeedin i bar, Oo haddaan xumaan sameeyeyna mar dambe u noqon maayo?

33. Abaalgudkiisu ma wuxuu ahaan doonaa sidaad doonaysid, inaad diiddid aawadeed? Waayo, waa inaad adigu doorataa, mana aha aniga; Haddaba waxaad taqaanid ku hadal.

34. Nin kasta oo xigmad leh oo i maqla iyo dadka waxgaradka ahuba Waxay igu odhan doonaan,

35. Ayuub aqoonla'aan buu ku hadlaa, Oo hadalkiisana xigmadu kuma jirto.

36. Waxaan jeclaan lahaa in Ayuub tan iyo ugudambaysta la sii imtixaamo, Maxaa yeelay, wuxuu u jawaabaa sida dadka sharka ah.