Kitaabka Quduuska Ah

Ayuub 33:10-21 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

10. Bal eeg, sabab uu igu eedeeyo ayuu iga helaa, Oo wuxuu igu tiriyaa inaan cadowgiisa ahay;

11. Cagahayga wuxuu geliyaa jeebbooyin, Oo jidadkayga oo dhanna wuu wada fiiriyaa.

12. Bal eeg, waan kuu jawaabi doonaa, haddaba waxan xaq kuma tihid, Waayo, Ilaah baa binu-aadmiga ka sii weyn.

13. Haddaba maxaad isaga ula asaraartantaa? Waayo, isagu axwaalkiisa midnaba jawaab kama baxsho.

14. Waayo, Ilaah wuxuu hadlaa mar, Ama laba jeer, in kastoo aan laga fiirsanayn.

15. Riyada iyo muujinta habeennimo, Markii hurdo weynu dadka ku soo degto, Oo sariirta lagu gam'o,

16. Markaasuu dhegaha binu-aadmiga furaa, Oo waxa iyaga lagu waaniyey ayuu xaqiijiyaa,

17. Si uu dadka uga soo celiyo qasdigooda xun, Oo uu binu-aadmiga kibir uga qariyo,

18. Oo naftiisana wuxuu dib uga hayaa yamayska, Oo noloshiisana wuxuu ka hayaa seefta.

19. Oo weliba waxaa sariirtiisa lagu kor edbiyaa xanuun, Iyo dagaal joogto ah oo lafihiisa ku dhex jira.

20. Sidaas daraaddeed nafsaddiisu kibista way karahsataa, Naftiisuna cuntada macaan way nacdaa.

21. Hilibkiisu waa ka mudhuxsan yahay, oo mar dambe lama arki karo; Oo lafihiisii aan la arki jirinuna way soo baxaan.